Ogeysiis ku taariikhaysan Oktoobar 7, 2022
Fadlan lagugula taliyay in barnaamijka Thrive Maine uu la kulmay xiiso aan caadi ahayn iyo inaan horay u helnay boqolaal codsiyo. Si loo helo daah-furnaan iyo maaraynta filashooyinka, waxaan rabnaa inaad ogaato inay u badan tahay inaynu soo dhowaaneyno (haddii aynaan horay u gaarin) xadka lacagaha la heli karo. Fadlan ka digtoonow tan markaad ka fikirayso inaad soo gudbiso codsi. Waan ognahay inta waqti iyo dadaalka ay ku qaadato codsiga. Waa lagugu soo dhawaynayaa inaad soo gudbiso arji, laakiin fadlan la soco in laga yaabo in aan la tixgalin ama la ansixin heerkan maadaama kani yahay barnaamij marka hore la yimaado. Ilaa aan qiimaynayno codsiyada hore loo gudbiyay (ma jiraan go’aamo kama dambays ah oo midna wali la samayn), si dhab ah uma ogaan doonno haddii ay jiraan wax lacag ah. Fadlan la soco, sidoo kale, inaan soo bandhigi doono wareeg labaad ee codsiyada barnaamijka guga 2023. Waad ku mahadsan tahay dulqaadkaaga iyo fahamkaaga. Fadlan si joogto ah u booqo boggan si aad u hesho warar dheeraad ah.
Waxaa maamulay FAME, Thrive Maine waa barnaamij deyn cafin ah oo loogu talagalay ganacsiyada iyo kuwa aan macaash doonka ahayn ee muujiya saameynta dhaqaale xumo ee la xariirta caabuqa COVID. Barnaamijka waxaa maalgeliya American Rescue Plan Act (Xeerka Qorshaha Samatabbixinta Mareykanka, ARPA), oo ah xeerka kor uqaadista dhaqaalaha oo ay meelmariyeen Aqalka Koongareeska Maraykanka ee 117aad, oo $58 milyan loo qoondeeyey in lagu taageero ganacsiyada yaryar ee Maine oo ay sameeyeen Golaha Sharci Dejinta iyo Guddoomiye Mills sida ku cad LD 1733 iyadoo loo marayo Qorshaha Shaqooyinka iyo Soo kabashada Maine.
Kusaabsan Thrive Maine
Shuruudaha Kuhaboonaanshaha:
- Waa inuu yahay ganacsi ama mid aan macaash doon ahayn oo laga leeyahay Maine oo ay ka shaqeeyaan shaqaale kayar 500.
- Waa inuu hawlo muhiim ah kahayaa Maine (xarunta laga maamulo ay kutaalaa Maine ama ay ka joogaan ugu yaraan 50% oo shaqaalaha kamid ah oo shaqaalaha qandaraas lagula galaa gudaha Maine).
- Waa inuu ku muujiyaa saameynta dhaqaale ee xun ee la xariirta caabuqa COVID mid kamid ah kuwan soo socda:
- Khasaaraha EBITDA (Dakhliga Kahorreeya Dulsaarka, Canshuuraha, Qiima-dhaca, iyo Deyn Bixinta)
- Xisaabinta khasaaraha sanadka buuxa ee EBITDA loo barbardhigay musiibada caabuqa kahor (2019), laga jaray maalgelinta gargaarka musiibada kale ee federaalka ee horay loo qaatay.
- Canshuur celinta dakhliga federaalka oo dhammeystiran (FITR) ama canshuur celinta dakhliga shakhsi ahaaneed (PITR) ee 2019-2021, midki muujinaya dakhliga ganacsigaaga.
- Isbarbardhiga dhabta ah ee sanadba sanadka ka dambeeya oo buuxa iyadoo loo marayo bayaanka dakhliga ama canshuuraha federaalka; majirto qiyaas ama mala’waal oo loo isticmaali karo bar isbarbardhig ahaan ah.
- Waad codsan kartaa khasaaraha EBITDA ee 2020, 2021 ama 2020 iyo 2021.
- Kharashaadki lagalay
- Keen rasiidhada soo iibsashada iyo soodajinta agabyada, nidaamyada, iyo/ama softiweerka, si loo xaqiijiyo badbaadada batrooniga iyo shaqaalaha (sida, nidaamyada filtarka hawada ee HVAC, xeyndaabyada kalaqeybinta ee caagga ah, iyo agabka heerkulka lagu cabbiro).
- Kororka Qiimaha Kharashka Mashruuca Raasumaalka
- Keen qiimaha kharashaadka kordhay ee ku yimid silsilada hababka kala duwan ee sahayda (sida, qiimaha badeecada ama adeegga waxa uu kasoo kacay “X” oo uu noqday “Y” waxa uuna keenay waxaana qiimaha ku kordhay “Z” oo kharash ah).
- Adeeggyada/badeecadaha iyo qiimayaashooda ama rasiidhada waxa ay lagama maarmaan u yihiin labadaba qiimihi hore iyo qiimaha hadda si loo caddeeyo kororka ku yimid qiimaha.
- Khasaaraha EBITDA (Dakhliga Kahorreeya Dulsaarka, Canshuuraha, Qiima-dhaca, iyo Deyn Bixinta)
- Ganacsiyadu waa inay wax dhib ah kala dhexeyn Gobolka Maine.
- Mushahar bixinta, canshuuraha gobolka, iyo federaalka waa inay yihiin kuwo hadda ah.
- Waa inuu leeyahay Lambarka Aqoonsiga Gaarka ah (UEI)
Khasaaraha ee uu ganacsigu horay ugu qaatay gargaarka musiibada caabuqa ee federaalka iyo/ama gobolka, sida Barnaamijka Ilaalinta Mushaarka (PPP), Amaahda Musiibada Khasaaraha Dhaqaalaha (EIDL), Deeqda PRIME ee Machadka Tiknoolajiyada ee Maine, Sanduuqa Deeqaha Ganacsiyada Yaryar ee Maine, iyo kuwa kale, dib looma soo gudbin karo.
Shuruudaha Deynta
- Wadarta qadarka lacagaha la bixinayo waa in laga bilaabo ugu yaraan $10,000 ilaa ugu badnaan $2 milyan.
- Deyn cafin heerka boqolkiiba 25% sanadkiiba muddo afar sano ah.*
- Deymaha la cafin karo waxaa loo bixin doonaa iyadoo loo egayo hadba midka usoo hormara.
*Deymaha la cafin karo waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin dakhli lagu canshuuri karo heerka boqolkiiba ee loo cafiyo. Utag Koodhka canshuurta IRS oo la tasho xisaabiyahaaga si aad macluumaad dheeraad ah uga hesho.
Thrive Maine Webinar
Thrive Maine Webinar – How to Apply
Aqoonsiga Hay’adda Gaarka ah (UEI) Ayaa Looga Baahan Yahay Inuu Helo Amaah La Cafiyo
Si aad uga hesho amaah la cafin karo Thrive Maine, ganacsigu waa inuu lahaadaa Aqoonsiyaha Hay’adda Gaarka ah (UEI). Ganacsiyada qaar, habka lagu helo UEI wuxuu qaadan karaa toddobaadyo. Haddii meheraddaadu ay codsatay laakiin aanu weli helin UEI wakhtiga aad codsanayso deyntaada la cafin karo, waad codsan kartaa laakiin waa inaad keentaa caddayn ah inaad codsatay UEI.
Haddii codsigaaga la oggolaado, waxa ay ku jiri doontaa xaalad “hayn” ilaa UEI la bixiyo, iyo qaddarka deynta la oggolaaday waxaa loo qoondayn doonaa ganacsigaaga. Wax dhaqaale ah lama diri doono ilaa UEI la bixiyo. UEI waa in la bixiyaa Diseembar 3, 2022. Haddii aadan bixin lambarkaaga UEI wakhtigan, lacagaha loo qoondeeyay ganacsigaaga waxaa dib loogu qaybin doonaa miisaaniyada Thrive Maine ee wareega labaad ee codsiyada 2023.
Tag SAM.gov si aad u codsato UEI. Riixitaanka “Bilow” waa nidaam ka gaaban “Diiwaangelinta Hay’adda,” haddii doorashadani u shaqeyso ganacsigaaga. Daawo muuqaalkan SAM.gov ee ku saabsan nidaamka codsiga UEI.
Sida loo Codsado
Waxaa jira labo xilli oo la codsado deynta la cafin karo, xilliga ugu horreeyo wuxuu furmay Oktoobar 4, 2022. Isdiiwaangeli si aad u hesho ogeysiisyada iimaylka.
Codsiyadu waa inay yihiin kuwo dhammeystiran si loo tixgeliyo. Dhammaan codsiyada waa inay kujiraan faa’iidada iyo khasaaraha iyo xaashida dheelitirka iyo canshuur celinta sanadka-ilaa-hadda. Codsiyada sidoo kale waa inay ku jiraan ganacsiga ‘UEI’ ama caddaynta codsiga UEI haddii aan weli la helin. Codsiyadi kasta oo aan dhammeystirneyn oo lasoo gudbiyo dib u eegis laguma sameyn doono ilaa dhammaan codsiyada dhammeystiran dib loo eego.
Codsiyada waxaa loo kala tixgeliyaa iyadoo loo egayo hadba midka usoo hormara. Marki dhammaan lacagta la qoondeeyo, codsiyo kale lama tixgelin doono.
Si aad isugu diyaariso inaad codsato, download the application checklist.
Waxaad Thrive Maine ka codsan kartaa webseedka Shabakada Amaahda Maine ee MaineLending.org. Waxaad ka bixi doontaa FAMEmaine.com.
Calculation Templates
- Loss of EBITDA Calculation Template
- Expenses Incurred Calculation Template
- Increased Capital Project Cost Calculation Template
Example Applications
- Example Loss of EBITDA Application
- Example Expenses Incurred Application
- Example Increased Capital Project Cost Application
Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo
Waa maxay deynta la cafin karo?
Deynta la cafin karo waa nooc kamid ah deynta taasoo qaar kamid ah ama deynta oo dhan la iska cafin karo haddii deyn qaataha uu buuxiyo shuruudo gaar ah. Deymaha la cafin karo waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin dakhli la canshuuri karo iyadoo loo eegayo heerka boqolkiiba ee loo cafiyo.
Tallaabooyin noocee ah ayey tahay inaan qaado si aan isugu diyaariyo inaan codsado deynta?
Marka hore, haddii aadan horay u lahayn Lambarka Aqoonsiga Gaarka ah (UEI), waa inaad ka codsataa inaad mid kahesho SAM.gov. Hannaankan waxa uu qaadan karaa ilaa 3 ilaa 6 toddobaad. Sidoo kale, xaqiiji in shirkadaada ay bixisay canshuurti sanadka 2021 oo aysan wax dhib ah kala dhexeyn Gobolka Maine. Soo ururso Canshuur celinta dakhligaaga federaalka ee 2019-2021 iyo faa’iidada iyo khasaaraha sanadka 2020–2021-ilaa-hadda iyo xaashida dheelitirka maadaama lagaaga baahan yahay inaad kuwaan lasoo gudbiso codsigaaga.
Waa maxay dabinada aan iska ilaaliyo marka aan codsanayo deynta?
Codsigaadu waa inay kujiraan waxyaabaha ugaarka ah iyo caddeynta waxyeelada la xariirta musiibada caabuqa. Rasiidhada, qandaraasyada, adeegyada/badeecadaha iyo qiimayaashooda, iyo cadeymo kale oo gaar ah ayaa loo baahan yahay si loo caddeeyo codsiga. Iyadoo aanan la haynin waxyaabaha ugaarka ah, qadarka lacagta doolarka ee dhabta ah, iyo caddeynta, codsigaaga ma guuleysan doono.
Haddii loo adeegayo hadba midka usoo hormara, sidee bay ganacsiyada yaryar u awoodi doonaan inay deyn cafin ka helaan marka loo eego ganacsiyada waaweyn ee leh deymaha waaweyn?
Maalgelinta waxaa marka hore loo qoondeyn doonaa baaxada saameynta kala duwan, midaas oo u ogolaaneysa shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryarba inay helaan qayb kamid ah deymaha laheli karo. Tani waxa ay kadhigan tahay in shirkadaha qaadanaya deyn $2 milyan ah aysan kala bixi doonin isla keydki hore ee loo dhigay shirkadaha qaadanaya deymaha $10,000 ah.
Ma codsan karaa deyn cafin kusaleysan wax kabadan hal saameyn dhaqaale oo xun oo la xariirta caabuqa COVID?
Maya. Codsadayaashu waxa ay kaliya codsan karaan mid kamid ah saddexda qeybood ee ah saameynta dhaqaale ee xun ee la xariirta caabuqa COVID: khasaaraha EBITDA (Dakhliga Kahorreeya Dulsaarka, Canshuuraha, Qiima-dhaca, iyo Deyn Bixinta), kharashaadki lagalay, ama kororka qiimaha kharashka mashruuca raasumaalka
Waxaan qaatay lacagaha PPP ama kuwa kale oo ah barnaamijka deeqda gargaarka dawlada dhexe ee muusiibada caabuqa. Miyaan u qalmaa deyn cafinta ay bixiso Thrive Maine?
Haa. Ganacsiyadu waa ay uqalmaan inay soo codsadaan deyn cafinta Thrive Maine xitaa haddii ay qaateen maalgelin kale oo ah gargaarka musiibada caabuqa, waa haddii codsiga Thrive Maine uu daboolayo kharashaadka musiibada caabuqa oo ka duwan ama ka badan oo ka saameyn badan sidi horay loo maalgeliyey. Labo jeer isla kharashki ama isla saameynti maka codsan kartid sanduuqa maalgelinta gargaarka musiibada caabuqa. Codsiga dhexdiisa, ganacsigu waa inuu liisgareeyaa oo uu sharaxaa ujeedada lagu qaatay maalgelinta federaalka ee musiibada caabuqa. Haddii aan loo caddayn ujeeddo kale, maalgelinti gargaarka federaalka ee musiibada caabuqa ee hore ayaa laga jari doonaa qadarka deynta lagaa cafin karo ee aad uqalanto si looga fogaado labo-laabidda lacagta lagu bixiyo isla saameynti iyo/ama kharashki musiibada caabuqa.
Sidee u xisaabisaan khasaaraha EBITDA (Dakhliga Kahorreeya Dulsaarka, Canshuuraha, Qiima-dhaca, iyo Deyn Bixinta)?
Khasaaraha EBITDA waxaa loo xisaabiyaa iyadoo EBITDA-ha 2020 ama 2021 laga jarayo EBITDA-ha 2019. Maalgelinta gargaarka federaalka ama gobolka ee musiibada caabuqa ee horay loo qaatay waxaa laga jari doonaa saamigaaga isbeddelka EBITDA si loo bixiyo qadarka deynta la cafin karo ee aad codsan karto. Midkood kalandarka ama sannad-maaliyadeedka wadarta shaqada; majirto xisaabin sanad aan dhammeystirneyn oo uqalmaya.
Waad soo gudbin kartaa khasaaraha EBITDA ee 1 sano ama 2 sano si loo tixgeliyo. Maadaama isbarbardhiga uu yahay sanadka buuxa, kaliya 2020 iyo 2021 ayaa uqalmi doona sanadaha khasaaraha musiibada caabuqa.
Si loogu qalmo qeybtan, ganacsiyadu waa in dhidibada loo taagay ugu dambeyn Diseembar 31, 2018, maadaama ay tani u oggolaaneyso sanadka buuxa ee ganacsiga musiibada caabuqa kahor.
Haddii aad aaminsan tahay 2019 inuu ahaa sanad ka duwan oo uusan matali karin sanad isbarbardhig oo wanaagsan, shirkadu waxa ay keeni kartaa sharaxaada sababta uu u ahaa sanad ka duwan kadibna waxaad la barbardhigeysaa natiijooyinka 2018. Dib u eegayaasha waxa ay go’aamin doonaan haddii ka reebitaanka 2019 uu yahay mid xooggan oo ku filan in loo guuro isbarbardhigga 2018.
Sideed uxisaabisaa kharashaadka kubaxa musiibada caabuqa?
Dhammaan kharashaadka si gaar ah loogu isticmaalo in lagu taageero caafimaadka iyo badqabka shaqaalaha iyo batrooniyaasha waxaa loo tixgalin karaa kharashaadka musiibada caabuqa. Waa masuuliyada codsadaha inuu kabixiyo sharaxaad buuxdo oo kusaabsan baahida iyo muhiimada kharash kasto oo kubaxa musiibada caabuqa.
Kharashaadka la isticmaalay waa inay ku daraan ugu yaraan $10,000 si loo tixgeliyo, kadib marka laga jaro maalgelin kasta oo gargaarka musiibada caabuqa federaalka ah oo horay loogu qaatay sababtan. Kharashaadka waa in sidoo kale la kharashgareeyey, ee aan laqiyaasin. Tani waxa ay kadhigan tahay in rasiidhada kharash kasta loo keeno cadayn ahaan.
Ganacsiyada codsanaya kharashaadka musiibada caabuqa waa in dhidibada loo taagay ugu dambeyn Juun 1, 2022 si ay ugu qalmaan.
Sideed uxisaabisaan qiimaha kharashaadka mashruuca raasumaalka ee kordhay?
Qiimaha kharashaadka mashruuca raasumaalka ee kordhay waxaa loo xisaabiyaa iyadoo la qaadanayo qiimaha kharashka Musiibada caabuqa ee raasumaalka mashruuca ee la bixiyey, oo laga jaray kharashki adeegyada/badeecadaha iyo qiimayaashooda ee lasoo xigtay, laga jaray maalgelinti kasta ee musiibada caabuqa federaalka ama gobolka ah ee aad qaadatay. Waa inaad sidoo kale caddeysaa in kororka qiimaha uu sabab u yahay isbedbedellada dhaqaalaha guud ee uu horseeday musiibada caabuqa (carqaladaha ku yimid silsilada sahayda ay marto, carqaladaha maalgelinta, iwm) oo aysan keenin sababaha kale, sida baaxada hawsha oo isbedeshay.
Barta xilliga isbarbardhiga waa inuu kasoo bilowdaa 2018-ilaa Febraayo 2020. Xigashooyinka la bixiyey kahor 2018 ma ahan kuwo ansax ah.
Ganacsiyada waa in dhidibada loo taagay ugu dambeyn Juun 1, 2022 si ay ugu qalmaan qeybtan.
Waa maxay xadka cabbirka deynta?
Qadarka deynta la codsaday waa inay ugu yaraan ahaataa $10,000 waana inaysan kabadan $2 milyan.
Waa maxay shuruudaha loo baahan yahay in la buuxiyo si deynteyda Thrive Maine la iiga cafiyo?
Waa inaad ganacsi kujirtaa, oo aysan wax dhib ah kaala dhexeyn Gobolka Maine, bixisaa canshuuraha sanadlaha ah, oo aad dhammeystirtaa warbixinta sanadlaha ah ee ku xidhan Thrive Maine.
Waa maxay shuruudaha warbixinta si aad u hesho deynta?
Shahaado sanadle ah taas oo xaqiijineysa in ganacsigu uu shaqeynayo ayaa loo baahan yahay.
Sidee baa la iigu wargelinayaa in deyntaydii la ogolaaday?
Wargelinta waxaa lagugu soodiri doonaa iyadoo lasii marinayo iimayl oo loo dirayo ciwaanka iimaylka lagu sheegay codsiga.
Kadib marka la ogolaado deyn cafinteyda, ilaa intee in le’eg ayey qaadan doontaa in lagu helo maalgelinta?
Marki la xaqiijiyo, waa lagugu soo wargelin doonaa lacagahana waxaa lagu soodiri doonaa sida ugu dhakhsiyaha badan.
Maxaa dhacaya haddii ganacsigeygu xirmo kahor inta aysan dhammaan afar sano ama ganacsigu hawlo muhiim ah uusan ka qabaneynin gudaha Maine? Ma inaan dib ubixiyaa deynta?
Qeybta aan lacafin waxa ay u baahnaan doontaa in dib loogu bixiyo 3% oo dulsaar ah. Qeybta lacafiyey inti lagu jiray ganacsiga ama ganacsigu kuyaalay gudaha Maine looma baahna in dib loo bixiyo.
Contact
Thrive Maine Support Team
Thrive@FAMEmaine.com
800-228-3734
Email Signup
Sign up to receive email notification of the application opening date and upcoming webinars for Thrive Maine.